Cali bin Abii Daalib
(
ingiriis
:
Al? ibn Ab? T?lib
;
carabi
:
???
?? ???
????
; magaca dhamaystiran Cali ibn Abi Daalib "??? ?? ??? ????") dhashay 13kii Rajab 22 H.K
Sebtembar
20, 601
Makka
dhulka
jasirada carabta
, isla markaana dhintey 21kii
Ramada?n
40 H.K ?
Janaayo
27, 661
C.D
Kuufa
,
Ciraaq
, wuxuu ahaa ina adeerka iyo wiilka
sodoga
u yahay
Nabi Muxamed
, hogaamiyihii shanaad ee
Dawladda Islaamka
, asxaabi ka mid ah
Kulafo Raashidiinta
iyo mid ka mid ah
asxaabta
rasuulka.
[1]
[2]
Qayb ka mid ah silsilad ku saabsan
|
Cali bin Abi Dalib
??? ?? ??? ????
Amiirul muminiin
???? ????????
|
---|
|
|
|
|
Meelihii uu xukumay
|
Maqaalada xiriirka la leh
|
|
|
Cali waa kan ugu horeeyay ee da'dyarta ka mid ah oo qaata diinta
islaamka
,
Ahlu sunaha
agtooda waa
Khaliifkii Afaraad
ee
Khulafo al-Raashidiinta
; sidoo kale dadka raacsan
Shiicada
waxay u aqoonsan yihiin
Imaamkii
kowaad iyo kan xaqa u leh ee ku xiga
Nebi Muxamed
.
Cali wuxuu la wareegay khilaafada ka dib markii
Cusmaan bin Cafaan
la dilay 35H/656, wuxuuna haayay ilaa 40H/661, mudadii uu xilka haayay waxey ku sifeesneyd xasilooni la'aan, fitnadii ka dhalatay dilka khaliifka sadexaad
Cusmaan bin Cafaan
ayaa umada kala qeybisay waxaana dhacay dagaalo u dhaxeeya muslimiinta dhexdooda.
Waa
Cali
bin Abii daalib bin cabdi mudalib bin haashim bin cabdi manaaf bin qusayyi bin kilaab bin mura bin kacab bin lu'yyi bin gaalib bin fihir bin maalik bin nadar bin kinaana bin khuzeyma bin mudrika bin ilyaas bin mudar bin nazaar bin macad bin cadnaan.
Hooyadii faaduma binti Asad bin haashim bin cabdi manaaf bin qusayyi bin kilaab.
Hooyadii iyo aabihiis waa ilmo adeero wuxuu sidaas ku ahaa iska dhal
banuu haashim
.
Cali waxa uu ku dhashay
makka
,
shiicada
waxey qabaan inuu ku dhashay gadaha
kacbada
[3]
[4]
[5]
[6]
, laakin
al-sunaha
agtooda kama sugnaan warkaas, waxaa sidoo kale khilaaf ka jiraa sanadka uu dhashay, wuxuu uu wariyay ibnu isxaaq inuu dhashay toban sano ka hor bicathada nabiga scw,
ibnu xajar
ayaa rajaxay warkaas
[7]
. Waxaa jiro warar kale, iskuu soo duuduub waxaa leysku hayaa sanadihii 600, 598, 599.
Cali waxa uuna ahaa ilmaha
abuu daalib
kan ugu yaraa, markuu jiray shan sano ama ilx sano waxaa dhacday abaar saameyn ku yeelatay
abuu daalib
,
rasuulka scw
iyo
cabaas
ayaa u bandhigeen
abuu daalib
inay la koriyaan ilmaha, waxa uu qaatay nabiga scw Cali, halka
Cabaas
uu qaatay
Jacfar
[8]
,
Cali waxa uu ku soo koray guriga nabiga scw, wuxuuna ahaa mid laazimo meel walba uu aado
[9]
[10]
, Cali ilaahay wuu ka dhooray noloshiisa inuu sanab u sujuujo sidaas darteed ayee muslimiinta u raaciyaan magaciisa erayga "
karama Allahu
wajahah"
[11]
.
Qoyska Cali bin Abi Daalib
waa aabihiis
Dalib ibn Cabd al-Mudalib
, hooyo
Fatima bint Asad
, labo
gabdhood
iyo sadex
wiil
ooy
walaalo
yihiin, todoba
xaas
, sadex-iyo-toban
ilmo
ah oo u kala baxa toban-iyo-kow
wiil
iyo labo
gabdhood
.
Aabe:
Dalib ibn Cabd al-Mudalib
Hooyo:
Fatima bint Asad
- Walaal
- (abaayo)
- Walaal
- (aboowe)
- Xaaska
- Wiilasha uu dhalay
- Gabdhaha uu dhalay