Angola
oo sida dowliga ah loo yaqaano
Jamhuuriyada Angola
waa wadan ku yaala koonfurta qaarada
Afrika
oo koonfur xad kala leh wadanka
Namibiya
, dhinaca waqooyi xad kala leh
Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Kongo
, dhinaca bari waxu xad kala leeyahay wadanka
Saambiya
iyo
badweeynta Atlaantik
kaga taal galbeed.
Waxaa magaalo madax u ah caasimada
Luanda
oo dhinaca ku heeysa
Badwaynta Atlantika
.
Wadanka Angola wuxuu xubin ka yahay
Midowga Afrika
, Wadamada ku Midoobay Luuqada Bortuqiiska, Midowga Latinka iyo Ururka Horumarinta Bulshoyinka Koonfur Afrika.
Tirada shacabka wadanka Angola waxa lagu qiyaasay 18,056,072 sanadkii (2012) kuwaasi oo ka kooban qoomiyada Ovimbundu (oo ku hadla luuqada Umbundu) ineey bulshada ka yihiin 37%, qoomiyada Ambundu (oo ku hadla luuqada Kimbundu) waa 25% bulshada wadanka, halka qoomiyada Bakongo la dhaho eey 13% ka yihiin bulshada wadanka Angola. Inta soo hadhay oo ah 32% waa dadka laga tirada badan yahay (waxaana ka mid ah qoomiyadahaasi Chokwe, Ovambo, iyo Mbunda).
Inta u badan shacabka wadanka Angola waxay aaminsan yihiin diinta Kiristaanka.
Maqaal dhamaystiran:
Dhaqanka Angola
|
---|
|
Dalal Madax Banaan
| | |
---|
|
Dalal ismagacaabay
| |
---|
|
Hoos taga
|
- Scattered Islands in the Indian Ocean
(
Faransiiska
)
- Saint Helena, Ascension and Tristan da Cunha
(
Ingiriiska
)
|
---|
|
Gobollo lagu muransanyahay
| |
---|