- Kani waa maqaal ku saabsan
madaxweynahii
hore ee wadanka
Soomaaliya
Maxamed Siyaaad Barre
(
Af Ingiriis
:
Mohamed Siad Barre
;
Af Carabi
:
ar
) wuxuu ahaa
Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya
(21
Oktoobar
1969
- 26 Jannayo
1991
); kaligii-teliye
ciidanka xooga
sanadihii 1969kii ilaa 1991dii. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada
Garbaharrey,
bishiii
Oktoobar
6 ee 1919kii; wuxuu ku dhintey magaalada
Lagos
ee dalka
Nigeria
bishii
Janaayo
2 ee sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir.
Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda
Muqdisho
, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii
Kacaanka Umada Soomaaliya
. Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta
bangiyada
,
beeraha
waaweyn, shirkadaha muhiimka ah,
wershadaha
iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida
ganacsiga
iyo baayac-mushtarka. Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey
qabyaalada
, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan.
Waxyaabaha ugu waawayn ee
Kacaankii Umada Soomaaliyeed
ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka
Far Soomaaliga
, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha
luuqada Af-Soomaaliga
. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay
Ololihii Af-Soomaaliga
ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo
dugsiyada
la xidhey si 25,000 oo
arday
iyo 3,000
askarta
ciidanka xooga
ah u tegaan
miyi
iyo
magaalo
si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan
qaarada
Afrika
. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ka dib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanaka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano
qabiilo
u dagaalamaya. Bishii
Janaayo
26keedii ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay. Madaxweyne Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka
Nayjeeriya
bishii
Oktoobar
26keedii sanadkii 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee
Geddo
.
Taariikh
Taariq nololeedkii Maxamed Siyaad Bare iyo xiligii uu ku soo biiray Ciidanka
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo yaraantiisiahaaa wiil yar oo reer baadiye ah ayaa markii ugu horeysay waxuu yimid Degmada
Dhuusamareeb
, wuxuuna uga sii gudbay magaalada
Beledweyne
, wuxuuna nasiib wanaag la kulmay askar halkaa lagu qoraayay oo uu ka mid noqday dadkii ciidamadii dhibowga
1936
-dii ku galay xerada tababarada ee Beledwenye.
Max’ed Siyaad Bare Markii tababarki uu dhamaaday waxaa loo soo bedelay Magaalada
Muqdisho
, waxaana la keenay si uu tababaro dheeri ah oo ciidanimo ugu sii qaato Xeradii Ciidamada ee ku taalay degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho. Max’ed Siyaad Bare wuxuu ka tagay howshii ciidanimada
1939
-kii, kaddib markii loo soo sheegay geeridii laba adeeradiis ah oo kale ahaa Jaamac Bare iyo Maxamed Bare wuxuuna aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada
Dhuusamareeb
oo cidiisu degenaayeen.
Max’ed Siyaad Bare
miyiga
ayuu degey wuxuuna ku guursaday Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabo jiray Faadumo Aw-Muse Sanadkii
1941
-dii markaas oo uu
Ingiriisku
kala wareegay awoodii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo dagaalkii
aduunweynaha
labaad looga itaal roonaaday. Max’ed Siyaad Bare isla sanadkaas wuxuu ku biiray Ciidamada Ingiriiska, wuxuuna dalacaadii ugu horeysay oo aheyd
Alifle
helay Sanadkii 1941-dii, Alifkii labaadna wuxuu qaatay Sanadkii
1944tii
, waxaana waxbarasho loogu diray Magaalada
Nairobi
Dugsiga la yiraahdo
“Gin School” waxaana tababarkaas kaddib uu noqday kormeere Koowaad
1950
-kii. Markii
Talyaaniga
Dalka uu ku soo noqday, Max’ed Siyaad Bare oo
saddex xarigle
ah waxaa loo qaaday dalka
Talyaaniga
sanadkii
1952
-dii .
16-kii
October
,
1954
-tii ayuu Siyaad Bare qaatay Xidigtii ugu horeesay uuna noqday
Sarkaal
. Siyaad Bare wuxuu
laba xidigle
u dalacay sanadii
1955
-tii asigoo sanadki
1957
-dii noqday
kabtan
ama Dhamme kaddib
1958
-dii waxaa uu Max’ed Siyaad Bare noqday Dhamme ka tirsan
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
. waxaana loo magacaabay Xafiiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
1960
-kii, waxaa la dhisay
Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya
uuna hogaaminaayay Generaalkii sida aadka ah loo jeclaa
Generaal Daauud C/laahi Xersi
oo markii uu geeriyooday sanadkii
1965tii
uu bedelay oo jagadiisii qabtay General Max’ed Siyaad Bare asigoo noqday taliyihii Xooga Dalka Soomaaliya (XDS) isagoo xukunka hayay mudo 21 sano ah, wuxuuna ku geeriyooday Dalka
Nayjeeriya
oo uu magangalyo ku joogay ilaa iyo sanadkii
1995
-tii.
Lama yaqaan waqti cayiman oo uu dhashay General Max’ed Siyaad Bare, sababtoo ah wuxuu ku dhashay MIYI, xataa waxaa dood ka taagan tahay halka uu ku dhashay inkastoo warbaahinta rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu ku dhashay deegaanka
Baardheere
. Waxaa la qiyaasayaa in Max’ed Siyaad Bare uu dhashay sanadkii
1912
-kii in kastoo wargeysyada rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu dhashay sanadkii
1920kii
.
Max’ed Siyaad Bare hooyadiis waxaa la oran jiray Shaqlan Warfaa, waxeyna geeriyootay asagoo sideed jir ah, aabihiisna wuxuu geeriyooday 2 sano kaddib Max’ed Siyaad Bare oo 10 jir ah, waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Bare iyo ayeeydiis Sacdiyo, wuxuuna ahaa curudka aabihiis Siyaad Bare oo lagu naaneesi jiray “Siyaad Garba Weyne”, inkastoo ay dadkii yaqaanay Max’ed Siyaad Bare ay sheegeen in aabihiis Siyaad Bare lagu dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii colkaas. Waxaa Radio Muqdisho iyo Wargeysyada Kacaankuba ay qori jireen in uu Siyaad Bare ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa Ciidamadii uu hogaaminaayay Cumar Samatar oo gumeysigii Talyaanigu la dagaalamayay una ku shahiiday aagga Ceel Mirikh oo ku yaalo deegaanka
Dhuusamareeb
1930
-kii .
Xersi Bare oo ahaaa Max’ed Siyaad Bare adeerkiis, ahana ninkii gacanta ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib dhimashaddii Siyaad Bare abaarihii sanadkii
1933
-dii.
Sanadkii 1936-dii ayaa Max’ed Siyaad Bare ka soo tagay Xoolihii
miyiga
oo uu xanaaneyn jiray iyadoo xilgaas cidahooda ay degenaayeen aaga
Ceel-gaab
.
Sanadihii Hore
Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu 1919kii ku dhashay Magaalada
Garbaharrey
. Jaaluhu wuxuu ka soo jeedaa beesha
Mareexaan
ee
Daarood
, gaar ahaan lafta reer Diini.
[1]
[2]
His parents died when he was ten years old.
[2]
Waalidkiis
waxay dhinteen isaga oo toban jir ah.
Ka dib markuu dhamaystey
waxbarashodiisa
dugsiga hoose magaalada
Luuq
ee koonfurta Soomaaliya, ayaa Mudane Barre u wareegay magaalada
Muqdisho
oo ahayd magaalo madaxdii maamulkii Soomaali Talyaani, si uu u sii kordhisto waxbarashadiisa oo dugsi sare u galo asaga oo wakhtigaasi sheegtay inuu ka soo jeedo magaalada Garbahaarey.
[2]
[1]
Sanadihii ku xigey Siyaad Barre waxaa u suurto gashay in loo qaato askari darajo sare oo
Ciidanka Amaanka
ah taasi oo ku beegan sanadkii 1940kii.
[3]
Goortii ay Koonfurta Soomaaliya hoos tegtay maamulkii
Boqortooyada Ingiriiska
ayaa wuxuu ka gaadhay ciidanka xooga darajadii ugu sareeysay ee nin Soomaali ah gaadho wakhtigaasi.
[2]
Sanadihii 1950kii, markii
Qaramada Midoobay
la wareegtay maamulka iyo gacan ku heynta dhulka Soomaaliya ayadoo u wakiilatay dowlada
Talyaaniga
ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre u helay fursad deeq waxbarasho ku saabsan ciidanka inuu u tego wadanka Talyaaniga halkaas oo uu ku sugnaa wakhti labo sano ah.
[2]
Goortii uu ku soo noqdey dalka Soomaaliya wuxuu noqdey ku xigeenka hogaamiyaha sare ee
Ciidanka Xooga
halkaasi oo uu sii hayay ilaa wakhtigii wadanku xornimada qaatey sanadkii 1960kii. Tabobaro iyo dhoolatusyo milatari uu la qaatey saraakiil ka tirsan ciidanka xooga
Midowga Sofiyet
ayaa Jaale Siyaad ku beertay inuu u ololeeyo nidaamka shuuciga ahaa ee loo yaqaaney
Marsiisam
. Sidoo kale wuxuu si adag u aaminsanaa wadaniyad iyo mideeynta
Shanta Soomaaliyeed
.
Qabsigii Xukunka
Sanadkii 1969kii ayaa dil shirqool ah loo geeystay madaxweynihii dalka haystey
Cabdirashiid Cali Sharma'arke
, taas oo buuq iyo is af-garanwaa ka dhex dhalisey madaxdii sare ee wadanka Soomaaliya ayagoo isku afgaran waayay cida xilka la wareegi lahayd iyo maamulka. Maalintii ku xigtey aaskii Madaxweyne Sharma'arke oo ku beegnayd 21kii
Oktoobar
ayaa ciidanka xooga oo uu hogaaminayo Jaale Siyaad Barre iyo rag kale ayaa afgambi si lama filaan ah ku qabsadey wadanka. Jeneraal sare
Salaad Gabeyre Kediye
iyo Hogaamiyaha sare ee ciidanka amaanka
Jaamac Korshel
ayaa ka mid ahaa raga safka hore kaga jirey ee suurtogeliyey in afgambigu si guul ah ku dhaco. Mudane Kediye wuxuu ahaa oo lagu magacaabayay "Aabaha Kacaanka" in kastoo wakhti yar ka dib uu Jaale Siyaad kala wareegay magacaasi oo asagu noqdey aabaha kacaanka iyo hogaamiyaha ugu sareeya ee Kacaanka Umada Soomaaliyeed.
[4]
Isla markiiba kacaanku wuxuu magaca wadanka ka dhigey
Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya
,
[5]
[6]
waxay xadhig u taxaabeen dhamaan xubnihii ka tirsanaa dowladii hore ee Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ila markaana waxay mamnuuceen xisbiyo siyaasadeed in laga sameeyo wadanka kuwaasi oo la tartami kara xisbiga kacaanka.
[7]
Waxaa intaasi dheerayd oo xisbiga kacaanku si dhakhso ah u bedelay xubnihii
baarlamaanka
iyo maxkamada sare ee wadanka, isla markaana waxaa xisbia kacaanku ku dhawaaqey in
dastuurka
wadanku xaniban yahay intii wakhti ah ee dib u habayn lagu sameeynayo, taasi oo wakhtigaasi wadanka lagu maamulaayey dastuur ku meel gaadh ah oo xisbiga kacaanku leeyihiin.
[8]
Madaxweyne Siyaad
Wakhti yar xukunka iyo hogaaminta Xisbiga Kacaanka Umada ayaa Jaale Siyaad Barre wuxuu qaatey magaca
Guulwade
asagoo isku fidiyey maamulka iyo hogaanka dowlada cusub ee markaasi taaboqaadeysay.
Astaamo sawiro iyo sanamyo Guulwade Siyaad, Karl Marx iyo Lenin ayaa isla markiiba lagu sharaxay laamiyada magaalo madaxda wadanka ee Muqdisho, midaasi oo astaan iyo cadayn u ahayd nidaamka cusub ee xisbiga kacaanku ku soo dabaqayo wadanka.
[9]
Sidoo kale wuxuu soo bandhigey nidaamyo cusub oo sharciyo hanti-wadaag ah kuwaasi oo ku salaysan
Quraanka
, fikrada shuucinimada ee Marsiisamka iyo qadiyad qoto dheer oo wadaniyad iyo Soomaali jeceyl.
Golaha Sare ee Kacaanka
Golaha Sare ee Kacaanku wuxuu si dhakhso ah u sameeyay mashruucyo bulsho oo aad u horumariye magaalooyinka iyo baadiyaha, kuwaasi oo iskugu jirey olole waxbarasho iyo iska-wax-u-qabso dhismooyin ceelal, biyo-xidheeno, beero waawayn, laamiyo, jidad waawayn, dugsiyo, cusbitaalo, goobo bulshu iyo kuwo kale oo badan. Dadaalkaasi wadanka dhiska ah waxaa dhex socotay wacyigelin wadaniyad iyo qadiyad ah mideeynta shanta Soomaaliyeed oo la dhex wado in wadanka la warshadeeyo. Sidoo kale wakhtiyadan ayay dowlada Soomaaliya ku biirtey ururka
Jaamacada Carabta
oo aanay horey xubin uga ahayn. Intaasi waxaa dheer in sanadkaa 1974kii Guulwade Maxamed Siyaad Barre in uu noqdey hogaamiyaha sare ee ururka
Midowga Afrika
xilkaasi oo uu hayay mudo dhowr sano ah.
[2]
[10]
Bishii
Luuliyo 1976dii
ayaa xisbigii Guulwade Siyaad Barre baabi'iyey Golihii Sare ee Kacaanka midaasi ooy ku bedeleen
Xisbiga Kacaanka Umada Soomaaliya|
, midkaasi oo ku salaysnaa fikrada ah hal dowlad oo wadanka ku maamusha sharciga bulshada iyo
diinta
Islaamka
, midaasi oo qorshuhu ahaa in a la is waafajiyo dhaqanka bulshada reer guuraaga ee Soomaaliyeed iyo nidaamka Shuuciga isla markaana meelo badan laga soo xigto
kitaabka
Quraanka
.
Xisbiga Kacaanka Umada Soomaaliyeed wuxuu ku dhawaaqey sinaan, cadaalad, horumarka bulshada, wax-wada-qeybsi iyo horay u socod.
[8]
Sanadkii 1979kii ayaa xisbiga kacaanku wuxuu qabtey doorasho Golaha Bulshada ah si loogu codeeyo
dastuur
iyo sharciyo cusub ooy keeneen. Si kastaba ha ahaatee waxanka waxaa talada ugu sareeysa mar kasta lahaa oo ugu awood badnaa Xibiga Kacaanka Bulshada oo Guulwade Maxamed Siyaad Barre hogaamiye u ahaa.
[6]
[8]
Wadaniyad iyo Soomaali Weyn
siyasadii kacanka somaliya wafashilantay markii rushkii aay ku tirsanayd ka hortimid,sida laga warqabo somalida waqtigas waxa gacanta ku hayey wadamada,hanti wadaga oo rushuku ugu horeyo,markii wadamadii aay ku tirsanayd aay ka hortimid somalidu waxay ugurtey wadamada reer galbedka,kuwas oo somalida ucilqabay,taso ka dhalay shuciyada somalidu dhexgashay,markii wadamada rer galbedku somalida xirirkodi hore solabtay shiciyadina mesha kabaxaday,waxa dhacday in wadanka siyasadisa sikale isu badashay,waxay so jediyen in wadanka dorasho xor ah ka dhacdo oo laga boxo xisbi kaliya,ama madaxweynaha shaqada ka faristo,arinasi ma suro galin,duqina xilkii wa laga fujin wayey oo qolyihi rer galbedka waxay sameyen in wadanka la-afgabniyo oo xilka wadanka uu qabto qof aay siyasadisa reer galbedka ujanjerto,hase yeshe arinatsi sikale ayey noqotay,somaliya waxay isu badashay dagal sokeye oo dabo dheraday,oo waxa la'oran kara galadii waxay ku fashilmen waxii aay somaliya ladonayen oo waxay qaday wado khaldan oo aan lagu tala galin,ila wadamadi somalalya afganbiyey ee reer galbedka laftigodi ku halagsamen oo dad badan uga dhintay khiyamadii aay galen aay larogmatay.
Xidhiidhka Dibada
Barnaamijyada Gudaha waxaa islamarkii kacaanku bilab
Siyaasada Dhaqaalaha
Xigasho
- ↑
1.0
1.1
David D. Laitin and Said S. Samatar,
Somalia: Nation in Search of a State
(Boulder: Westview Press 1987), p. 79
- ↑
2.0
2.1
2.2
2.3
2.4
2.5
Benjamin Frankel,
The Cold War, 1945-1991: Leaders and other important figures in the Soviet Union, Eastern Europe, China, and the Third World
, (Gale Research: 1992), p.306.
- ↑
"Noloshii Madaxweyne Siyaad Barre (Jarmalka)"
. Waxaa laga kaydiyay
the original
2011-07-27
. Soo qaatay
2015-06-12
.
- ↑
Adam, Hussein Mohamed; Richard Ford. Red Sea Press. p. 226.
ISBN
1-56902-073-6
http://books.google.ca/books?id=0m9yAAAAMAAJ
.
- ↑
J. D. Fage, Roland Anthony Oliver,
The Cambridge history of Africa
, Volume 8, (Cambridge University Press: 1985), p.478.
- ↑
6.0
6.1
The Encyclopedia Americana: complete in thirty volumes. Skin to Sumac
, Volume 25, (Grolier: 1995), p.214.
- ↑
Metz, Helen C. (ed.),
"Coup d'Etat"
,
Library of Congress
.
- ↑
8.0
8.1
8.2
Peter John de la Fosse Wiles,
The New Communist Third World: an essay in political economy
, (Taylor & Francis: 1982), p.279.
- ↑
Metz, Helen C. (ed.),
"Siad Barre and Scientific Socialism"
,
Library of Congress
.
- ↑
Oihe Yang,
Africa South of the Sahara 2001
, 30th Ed., (Taylor and Francis: 2000), p.1025.