Far Soomaali
(
Af Ingiriis
:
Somali alphabet
) waa wadarta iyo nidaamka wax qorista ee
Dadka Soomaalida
. Sida taariikhda lagu sheegay, dadka Soomaalida ah waxay soo lahaayeen dhowr nooc oo waxqoris ah; kuwaasi waxaa ka mid ah
Farta Cusmaaniya
,
Far Boorama
(sidoo kale loo yaqaano
Far Gadabuursi
),
Qoraal Kaddare
iyo habka maanta la isticmaalo ee
Alifbeet Soomaali Laatiinka
ah.
[1]
Hordhac
Guud ahaan, Far Soomaaligu waa nidaam iyo farshaxan noocyo badan oo kala duwan ah oo leedahay bulsho weynta
Soomaalida
. Sidaasi ay tahay waxa sida rasmiga ah ee dowlada iyo dadku hirgeliyeen waa Far Soomaaliga laga soo xigtey qaabka Latiniga ah.
Intii ka horeeysay
Kacaanka Umada Soomaaliya
waxaa jirey noocyo badan oo qaabka wax loo qoro ah kuwasi waxaa ugu caansanaa:
- Far Borama
ama
Far Gadabuursi
midaasi oo sanadkii 1933kii uu alifey aqoonyahan Sheekh Cadbiraxmaan Sheekh Nuur oo ku sugnaa magaalada
Borama
.
- Cusmaaniya
qaabka loo qoro ????????????????, waa farshaxan qoraal uu alifey
Cusmaan Yusuf Keynadiid
sanadihii u dhexeeyay 1920kii ilaa 1922kii.
- Kaddare
waa far qaab u dhow Far Gadabuursiga midaasi oo sanadkii 1952kii uu alifey Xuseen Sheekh Axmed Kaddare.
Intaasi waxaa dheerayd in dadka Soomaalida ah isticmaali jireen farta
Carabiga
tan iyo wakhtiyadii
diinta
Islaamku
soo gaadhay dhulka
Soomaalida
, midaasi oo caan ku ahayd malcaamadaha iyo goobaha lagu barto cilmiga diinta Islaamka iyo
Quraanka
. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1972kii ayaa
Kacaankii Umada Soomaaliyeed
ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii
Af-Soomaaliga
ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Soomaali Laatiin
Farta dowliga ah ee wadanka
Soomaaliya
oo loo yaqaano
Alifbeet Soomaali Laatiin
waxaa alifey oo habeeyay aqoonyahano badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo hormuud u ahaa
Shire Jaamac Axmed
.
Nidaamkani wuxuu ka kooban yahay dhamaan alifbeetka
Af-Ingiriiska
marka laga reebo
p
,
v
iyo
z
, waxaana lagu daray 5 shaqal iyo 21 shiibane.
[2]
Nidaamka Carabiga
Ka hor intaanay iman gumaystayaashii
Ingiriiska
iyo
Talyaaniga
, dadka Soomaalida ah waxay isticmaali jireen nidaam waxqoris oo laga soo xigtay
Farta Carabiga
.
[3]
Nidaamkaasi waxaa loo yaqaanaa
Far Wadaad
.
[4]
Farta Cusmaaniya
Maqaal dhamaystiran:
Farta Cusmaaniya
Farta Cusmaaniya
, meelaha qaar looga yaqaano
Far Soomaali
waa nidaam kale oo wax qoris ay dadka Soomaalida isticmaalaan taasi oo alifey
Cismaan Yuusuf Keenadiid
. Marki uu qoray fartan waxay ehayd, intii u dhaxaysay 1920 ilaa 1922, laakiin nasiib darro, farta nuuaan ah bulshada oo dhan may gaarin. Markii hore waxa jiray muran ku saabsan farta ay yeeln doonto luqada soomaaligu. Faro kala duwan oo la soo qori jiray waxa ka mid ah farta Boorama, farta kadaare iyo Farta Wadaadka oo ah farta carabiga. waxaana 1972 lagu wada hishiiyay farta laatiinka ah. Marka laga reebo Far Wadaadka, tani waxay ahayd fartii ugu horaysay ee ay Soomaali qorto.
[5]
Far Boorama
Maqaal dhamaystiran:
Far Boorama
Far Boorama
(sidoo kale loo yaqaano Far Gadabuursi) waxaa alifey
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur
oo macalin ka ahaa magaalada
Boorama
.
[6]
Nidaamka qorida Farta Boorama waa mid aad uga duwan Farta Cusmaaniya. Fartani waxay leedahay shaqalo gaaban iyo kuwo dhaadheer, hakadyo iyo hingaad intaba ka dhex muuqata qoraalka.
[7]
Inkastoo aanay soo shaacbixin isla markiiba, maanta waxaa la helayaa qoraalo badan iskugu jira diini, gabayo, cilmi iyo taariikh oo Sheekh Cabdiraxmaan iyo xertiisu ku qoreen Farta Boorama.
[8]
Farta Kaddare
Maqaal dhamaystiran:
Far Kaddare
Farta Kaddare
waxaa alifey
Xuseen Sheekh Axmed Kaddare
sanadkii 1952dii.
[9]
Nidaamka qoraalka fartani waxay aad ugu qaab dhowdahay farta Cusmaaniya, laakiin waxay kaga duwan tahay nidaamka shaqaleynta iyo adkeynta ereyada.
[10]
Sidoo kale fiiri
Linkiyo kale
Tixraac
- ↑
Andrezewski, B. W. Lulu. p. 232.
ISBN
1291454535
http://www.google.com/books?id=90CdBQAAQBAJ&source=gbs_navlinks_s
. Soo qaatay
17 January
2015
.
- ↑
Andrew Simpson,
Language and National Identity in Africa
, (Oxford University Press: 2008), p.288
- ↑
. Omniglot
http://www.omniglot.com/writing/somali.htm
. Soo qaatay
17 October
2013
.
- ↑
Andrezewski, B. W. Lulu. pp. 130?131.
ISBN
1291454535
http://www.google.com/books?id=90CdBQAAQBAJ&source=gbs_navlinks_s
. Soo qaatay
17 January
2015
.
- ↑
Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. Ministry of Information and National Guidance. p. 5
http://books.google.ca/books?id=v-GwAAAAIAAJ
.
- ↑
David D. Laitin (1 May 1977). University of Chicago Press. pp. 98?.
ISBN
978-0-226-46791-7
http://books.google.com/books?id=LR8A4tEYZUAC&pg=PA98
. Soo qaatay
2 July
2012
.
- ↑
I.M. Lewis (1958),
The Gadabuursi Somali Script
,
Bulletin of the School of Oriental and African Studies
, University of London, Vol. 21, pp. 134?156.
- ↑
the Borama script was principally used by Nuur and his circle of associates in his native city of
Borama
.
- ↑
Laitin, David D. University of Chicago Press. p. 87.
ISBN
0226467910
http://books.google.com/books?id=LR8A4tEYZUAC
.
- ↑
Simon Ager, Kaddare transcription