Dawlad-goboleed
(
Af Ingiriis
:
Administrative regions
;
Af Carabi
:
ar
) waa gobollo dal ka tirsan isla markaana leh xukkun hoosaad kuna dhisan qaabka ah in ay degmooyinka ka kala yimaadaan ergooyin ka kooban siyaasiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa waxay magacaabayaan ergo 100 qof ah waxay dooranayaan 4 qof oo ka socda degmada una gudbaya heer gobol.
Faallo
Degmooyinka iskugu yimid heerka gobol ayaa waxay la macaamilayaan gobol kale haddii uu ku qanco in ay isku biiraan.
Waxaa jira
Soomaaliya
in la yiri waa dawlad federaal ah qaabkaasna kuma salaysna waxayna ku salaysanyihiin qaab ay doonayaan dalalka diriska iyo qabiillo gaar ah.
Soomaaliya
waxaa ka jira isqabqabsi farabadan iyo faragalin dalalka deriska, waxaa dhismayaasha maamulada gacan saar la leeyihiin dalalka kala ah
Itoobiya
iyo
Kiinya
, maamulada hadda dhisan waxaa ka mid ah
Somaliland
waloow ay sheegato in ay
Soomaaliya
kala noqotay madax bannaanideedii waxayna kacan saar dhow la leedahay
Itoobiya
, sidoo kale waxaa jira
Puntland
oo iyana gacan saar la leh
Itoobiya
waxayna ahaayeen maamullo hore u dhisnaa inta aan la shaacin
Soomaaliya
in ay noqotay dawlad federaal ah.
Waxaa jira iyana kuwa ay dabada ka riixayaan
Itoobiya
iyo
Kiinya
kuwaasoo ku yaala koofurta
Soomaaliya
waxaana ka mid ah
Maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba
oo ay
Kiinya
soo aasaastay, waxaa la sameeyey maamul kale oo isna lagu lagu fogaynayo Jubba, kaasoo loogu magac daray
Koonfur galbeed Soomaaliya
kaasoo ah lix gobol isla markaana ay qorshaheeda leedahay
Itoobiya
iyadoo uga gol leh in
ONLF
aysan fusad u helin hanashada maamulka Jubba ay wado dawladda
Kiinya
.
Dawladda
Soomaaliya
, iyaduna waxaa cuuryaamiyey in ay wax ka qabato kala boodka qabiilada iyo faragelinta dalalka deriska ah, wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kasoo horjeeda dhammaan qaab dhismeedka maamul goboleedyada ayna ogayn dawladda dhexe
[1]
.
Sidoo kale fiiri
Tixraac
Xigasho
<references>
- ↑
waraysiga wasiirka arrimaha gudaha uu siiyey Universaltv 04 mar 14