- Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Sidoo kale fiiri
raashin
Silsilad ka mid ah
|
Cuntooyinka
|
|
Noocyada Cuntada
|
|
Cuntada La Cuno
|
|
Cunto Fudud
|
|
|
Cuwaaf
(
Af Ingiriis
:
snack
) waa nooc kasta oo
cuntada
u dhaxaysa
sadexda wakhti ee wax la cuno
taasi oo inta badan ah cunto fudud. Cuwaaftu waxay noqon karta cunto aad u fudud oo la iskaga reebo gaajada isla markaana lagu sugo wakhtiga cuntada. Sidoo kale waxaa cuwaaf noqon karta cuntooyinka degdega ah ee lagu soo dhaweeyo marti ama loo isticmaalo raaxaysi iyo baashaal.
Deegaano badan oo ka mid ah dhulka
Soomaalida
waxaa caan ka ah
shaaha
la cabo galabtii ee loo yaqaano
Shaadaliga
, kaasi oo laftiisu ka mid ah cuwaafta. Sidoo kale, meelo badan oo
Waqooyiga Soomaaliya
ka mid ah waxaa caan ku ah cuntada
qadada
wixii ka soo hadhay in dib loo cuno wakhtiga galabtii ka hor intaanay
qoraxdu
dhicin taasi oo loo yaqaano
cuwaaf
.
Wadanada reer galbeedku aad ayay u isticmaalaan cuwaafta, waxaana
dhakhtarku
dadka in badan ku dhiiri geliyaa in la cuno cuwaafta fudud dhowrkii saacadood hal mar wakhtiga maalinta oo dhan. Waxaa sidoo kale aad wadanada reer galbeedka looga isticmaalaa
midhaha khudaarta
,
buskudka
,
cabitaanka
, cunto fudud iyo jibsiga kuwaasi oo loo dhaxaysiiyo wakhtiyada cuntada muhiimka ah.
In kastoo ay kala duwan tahay nooca iyo xajmiga cuwaaftu guud ahaan waa cunto u dhaxaysa wakhtiyada rasmiga ah ee la raashimiyo. Sidoo kale waa cunto ka fudud cuntooyinka sadexda ah ee la cuno maalintii iyo habeenkii. Waxaanay ka koobnaan kartaa
macmacaan
sida
buskud
, xalwad, keeg,
rooti
,
shaah
,
bun
;
dhandhanaa
sida baagiye, qureebaad,
shigni
,
basbaas
, hambeegur iyo wixii la mid ah. Dhakhaatiirtu aad ayay u dhiirigeliyaan cuwaafta, waxayna ku sheegtaa ineey jidhka ka ilaaliso xanuuno ay ka mid tahay
macaanka
iyo dhiig-karka.
|
---|
|
|
|
Dhirta la cuno
| | |
---|
|
Khudaar
| |
---|
|
Cunto iyo Cabitan
| |
---|
|
La Xidhiidha
| |
---|
|
|