Astrid Lindgren
|
---|
Astrid Lindgren sanadihii
1960
|
Dhashay
| Astrid Anna Emilia Ericsson
Nofembar 14,
1907
Vimmerby,
Iswidhen
|
---|
Dhintay
| Janaayo 1,
2002
Stockholm
,
Iswidhen
|
---|
Shaqo
| Qoraa
|
---|
Luuqad
| Swedish
|
---|
Wadanka
| Sweden
|
---|
Wakhti
| 1944
?
1993
|
---|
Genre
| Waxbarashada ciyaaalka, buugaag sawiro ah, himilo madadaalo
|
---|
Sameeyay
|
- Hans Christian Andersen Award
1958
|
---|
Astrid Lindgren
(
Af Iswidhish
:
Swedish:
[?astr?d ?l?ŋ?reːn]
(
dhageeyso
)
) waxay dhalatay
1907
waxayna dhimatay
2002
. Astrid waa mid ka mida dadka
qoraaga
ah ee ugu caansan dalka
Iswiidhan
.
Buugaagteeda waxaa lagu turjumay in ka badan 90 luqadood oo kala duwan oo addunka ka mid ah.
Qaar badan oo ka mida buugaagta Astrid Lindgren waxa ay noqdeen kuwa caan ah sida filimada iyo TV ?yada. Qaar ka mida heesaheeda ku jira filimada waxa ay noqdeen kuwa caan ah. Astrid Lindgren ayaa aliftay heesaha, ayadoo kaalin ka helaysa dadka codka iyo muusiga sameeya. Waxaa kaloo ay samaysay riwaayado ka hadlaya filimada kala duwan ee ay buugaagteeda ka qortay.
Mid ka mid ah buugaagteeda kii ugu horeeyey waxaa la yiraahdaa (
Barnidii iskaalshada dheereey
) (
Pippi Langstrump)
kaasoo la soo saaray
1945
. Buuggu wuxuu ku saabsan yahay gabar timo guduudan oo madax banaan (
xor ah
). Magaceeda waxaa la yiraahdaa
Pippi Langstrump
iyo saaxiibadeed Tommy iyo Annika. Buuggan waa midka kaliya ee lagu turjumay
Af-Soomaali
.
Barnidii iskaalshada dheereed = Pippi Langstrump
ISBN 978-91-974793-6-3
91-974793-6-5
2009
Dhimashadii Astrid Lindgren ka dib waxaa la aas aasay abaal marin la bixiyo sannadkii hal mar si loogu xasuusto Astrid. Abaal marintaas waxaa la yiraahdaa
Astrid Lindgren Memorial Award
(ALMA-priset)
. Abaal marintaas waxaa la billaabay
2003
, waxayna noqotay abaal marin buugaag oo la bixiyo mida ugu weyn addunka oo dhan, waxaana diiradda lagu saaraa buugta ka hadlaysa carruurta iyo dhallinyarada.