Dux
(
Af Ingiriis
:
fat
;
Af Carabi
:
ar
) waa
iskudhis
ka mid sadexda nooc ee
nafaqoda
jidhka
dadka
,
xayawaanka
,
dhirta
iyo guud ahaan
nooluhu
u baahan yahay; labada kale waa
borotiin
iyo
karbohydrate
.
[1]
Duxda oo
Saynis
ahaan loo yaqaano
triglycerides
waxay ka kooban tahay iskudhisyo silsilad asiid-baruur ah, alkohol iyo glycerol. Sida caadiga ah duxda waxaa laga helaa
saliida
,
subaga
iyo
baruurta
xoolaha
iyo
xayawaanka
. Sidoo kale waxaa jira noocyo ka mid ah
dhirta
oo leh dux waloow ay tahay nooc ka duwan tan xoolaha iyo xayawaanka.
Intaas waxaa dheer, duxdu kuma milanto
biyaha
iyo noocyo kale oo
dareereha
ka mid ah (sida
caanaha
).
[2]