Kristoffer Kolombus
wuxuu ahaa nin
Talyaani
ah, wuxuu noolaa
sanadihii
1451
ilaa
1506
. Kristoffer wuxuu ahaa badmaaxiye ah oo aad u safri jiray, wuxuu raadin jiray dhulalka ama qaaradaha. Kristoffer wuxuu ahaa ninka helay qaarada
Ameerika
sanadka marka oo ahaa 1492. Kristoffer wuxuu ku dhashtay magaalo ku taalo waqooyiga talyaaniga oo la dhoho
Genova
, wuxuu badda ku safri jiray asigoo da' yar. Aabihiis waxaa ladhaa Domoniko Kolumbus, hooyadiis neh Susana Fontanarosa.
sanadka marka oo ahaa 1478kii, karistofer wuxuu tagay wadanka
Boortuqaal
, isla markaas neh wuxuu dhinaca
galbeed
ka raadinaayay, jidka tago wadanka
Hindiya
ee dhinaca badda. Kristoffer waxaa caawiyay dad ka mid ah boqortooyada Bortuqiiska, isla markaas neh waxay ku heshiiyeen hadii uu dhul helo in ee ayaga lacag ka helaayaan dhulkaas. Sanadka marka uu ahaa
Agoosto
1492
ayaa waxaa bilaawday safarkoodii, 3
maraakiib
ah oo saaran 90 qof ayaa u safartay dhinaca galbeedka ee
badweynta atlaantik
, kadib waxay tageen
Ameerika
, iyaga oo rabay in ay tagaan hindiya. Isla sanadkii Waxay tageen Meel
jasiirad
ah, wuxuuna helay wadanka
Kuuba
, hal markab ayuu uga tegay meesha, marka ee dhacday in ee dadka saarnaa markabkaas in ee raadiyaan
Dahab
. sanadka marka oo ahaa 1493dii Kristoffer dib oo u soo noqday, asiga oo sideed indian ah soo afduubtay. (
SII AQRI
)