Hilib

Ka Wikipedia
Noocyo kala duwan oo hilib ah

Hilib ( Af Ingiriis : meat ; Af Carabi : ar ‎) waa jiidhka xayawaanka kaasi oo dadku u quutaan cunto ahaan. [1] Sida caadiga ah, aadamuhu (dadka) waa gebi-quute (Saynis ahaan omnivorous ), [2] taasi micnaheedu waa in dadku quutaan hilibka iyo caanaha xayawaanka iyo dhamaan kheyraadka dhirta . [3]

Tan ilaa iyo kumanaan sano ka hor dadku waxay ku tiirsanaayeen hilibka xayawaanka iyo midhaha dhirta ayagoo isticmaali jirey Ugaadhsi iyo Qadhaabsi . Si kastaba ha ahaatee, horaantii ilbaxnimada aadamaha ayaa dadku bilaabeen ineey dhaqdaan xoolo si loo manaafacaadsado kheyraadkooda. Hilibku wuxuu ka kooban yahay biyo , borotiin , iyo dux [4] waana cunto aad ugu muhiim ah jidhka iyo caafimaadka dadka.

Hilibka waxaa laga helaa xayawaanka. Hilibka waxoo ka sameysanyahay, murqo,ama seed, iyo subak. Hilibka waxoo leeyahay brotiin, aad u badan oona muhiim u ah, korka ama jirdhiska bini aadanka. Hilibaha la cuno wee kala duwan yihiin. Hilibka soomaalida cunto, waxaa ka mid ah, hilbaha xalaasha ah, sida Hilibka Lo 'da, Geelka , ariga , Idada , Malaayga , doorada iyo Sagaarada .Dadka aduunka ku nool waxaa saaid uugu ah Hilbaha ee cunaan, sida Hilibka Doofaarka , Eyga , Fardaha , yaanyuurta , Dooliga , Masaska ,iyo Caaro caaro . Iyo wax badan oo la tiri karin.

Tixraac [ wax ka badal | wax ka badal xogta ]


  1. Lawrie, R. A.; Ledward, D. A. (7th ed.). Woodhead Publishing Limited. ISBN   978-1-84569-159-2 .   Maqan ama ebar |title= ( caawin )
  2. . CRC Press . p. 37. ISBN   0-8493-8566-0 https://books.google.com/?id=CXwylbbRXvAC&pg=PA37&dq=en#v=onepage&q=&f=false . Soo qaatay October 6, 2013 .   Maqan ama ebar |title= ( caawin )
  3. Ayyıldız, Esat. “Klasik Arap Edebiyatında Et Motifi” . International Malatya Gastronomy Culture and Tourism Conference . ed. Aynur Ismayilova ? Gunay Rzayeva. 19-24. Malatya: IKSAD Publishing House, 2022.
  4. "Nuqul Archive" . SuperTracker . United States federal government. Waxaa laga kaydiyay the original 6 April 2015 . Soo qaatay 11 April 2015 .   Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored ( caawin )