Cusmaan Yuusuf Keenadiid
(
Af Ingiriis
:
Osman Yusuf Kenadid
,
Af Carabi
:
ar
) wuxuu ahaa nin
Soomaali
gabayaa
,
halabuur
,
qoraa
,
barre
, hogaamiye iyo alife. Cusmaan waxaa si fiican loogu xasuustaa abuurida
Farta Cismaaniya
oo ka mid ah far-qorkii ugu horeeyay
Taariikhda Soomaaliya
.
Taariikh
Cusmaan Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada
Gaalkacayo
, ee ku taala badhtamaha wadanka
Soomaaliya
. Cusmaan waxaa dhalay Suldaankii
Yuusuf Cali Keenadiid
oo ahaa ninkii aasaasay
Saldanadii Hobyo
. Wakhtiyadii ugu horeeysay noloshiisa wuxuu Cusmaan ku soo qaatey meelo kala duwan asagoo waxbarasho diini iyo maadi ah ku mashquulsanaa.
Markii aabihii geeriyooday, wuxuu Cusmaan la wareegay hogaanka Saldanadii Hobyo.
Intaas waxaa dheer, Cusmaan wuxuu qoray buugaag badan oo cilmi diini iyo maadi iskugu jira, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah samaynta
Far Soomaaliga
, buugaag
Juquraafi
,
Cilmi Fallag
,
Saynis
, gabayo iyo taariikh iyo kuwo kale.
[1]
Hordhac
Cismaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ka mid ahaa halyayada u reebay ummadda afsoomaaliga ku hadasha summad iyo dhaxal gal qiime leh.
Wuxuu sannadkii
1920kii
soo allifay far xuruufo dhammaystiran oo kaabi kara inlagu qoro
Af-Soomaaliga
. Fartaasi waxay ka mid tahay farihii u horreeyey oo qof soomaali ahi allifo, waayo aqoonyahannadii kale ee ay ka mid ahaayeen
Sheekh Yuusuf Al Kawnayn
"Aw Barkhadleh",
Sheekh Aways
, Ibraahim Bin Cabdalle Mayal waxay wax ku qori jireen far carabi la afsoomaaliyeey, oo waxay adeegsan jireen farta carabiga. Waxaa kale oo far gaar ah soo saaray
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur
oo isna far gaar ah lahaa.
Fartaas uu Cismaan Yuusuf Keenadiid soo saaray waxaa la yidhaahdaa
Cusmaaniya
.
Sidoo kale fiiri
Tixraac