Biyaano
(Piano)
Biyaano wayn (bidix) iyo biyaano dhexdhexaad oo taagan (midig)
|
Shanqadha laxanka
| 314.122-4-8
(Qalab leh
faro la taabto
kaasi oo cod iyo shanqadh sameeya)
|
---|
Asalka
| Bartolomeo Cristofori
|
---|
Maanta laga isticmaalo
| Dhamaan caalamka
|
---|
|
|
Biyaano
(
Af Ingiriis
:
Piano
;
Af Carabi
:
ar
) (loogu dhawaaqo ?pjaːno; waa ereyga
pianoforte
oo la soo gaabiyay, loogu dhawaaqaa pjano?f?rt) waa nooc ka mid ah
qalabka muusiga
taasi oo leh
muusig
lagu duubay, kuwo diyaar ah, iyo faro badan oo la garaaco (taabto) si ay
shanqadh
u sameeyso. Biyaanada Waxaa loo garaacaa si loogu qurxiyo iyo macaaneeyo dhadhanka
hees
,
gabay
iyo ereyo loogu talogalay in dad lagu madadaaliyo.
Biyaanadu waa qalab muusig taasi oo leh faro la taabto si ay u samayso cod muusiko.
[1]
Sida caadiga ah waxaa biyaanada loo isticmaala
heesaha qaraamiga
, kalaasiga iyo
jaaska
kuwaasi ooy u sameyso dhadhan la jaanqaadaya heesta. Sidoo kale, biyaanadu waxay ka mid tahay qalabka ugu qaalisan agabka muusiga, waxayna inta badan leedahay miisaan culus.
Biyaanadu waxay ka samaysan tahay qolof sare oo
alwaax
ah,
xadhko bir
ah, iyo tiro badan oo faro madoow iyo cadaan iskugu jira.
[2]
Biyaanada waxaa alifey nin u dhashay wadanka
Talyaaniga
[3]
oo magaciisa la odhan jirey Bartolomeo Cristofori.
[4]
Taariikh
Biyaanadu waxay ka mid tahay qalabkii ugu horeeyay ee la sameeyay wakhtiyadii xadaaradu aadka u koraysay.
[5]
Jaadii ugu horeeyay ee biyaano ah Waxaa sameeyay nin u dhashay wadanka Talyaaniga oo magaciisa la odhan jiray Bartolomeo Cristofori.
[6]
Qarnigii 17aad wixii ka dambeeyay aad ayaa loo horumariyay biyaanada waxaana lagu daray faraha cadaanka iyo madowga ah ee maanta lagu yaqaano.
Muuqaalka
Qalabka Muusiga
Guud ahaan Waxaa jira noocyo badan oo qalab muusig ah, kuwaasi Waxaa ugu caansan wakhti badan la soo isticmaali jirey kuwan:
Qoraalo La Xidhiidha
Linkiyo Banaanka
Tixraac