Xaawo
Xaawa
(
Af Carabi
:
ar
;
Af-Hebrow
: ??????,;
Af-Laatiin
:
Eva
; Aramiyya: ???;
Af-Tigrinya
: ???? ? ama Hiywan) sida ay isla qabaan Diimaha Ibraahimiga ahi (waa
diinta
Islaamka
,
diinta
Masiixiyada
iyo tan
Yuhuud
) Xaawa waa qoftii
dumar
ee ugu horeeysay ee
Ilaahay
(s.w.t) ka abuuray
feedha
lamaanaheeda
Nebi Aadam
. Si kale haddii aan u dhigno Xaawo waa
hooyodii
kowaad ee dhamaan
dadka
, halka
Aadam
ka yahay
aabaha
dhamaan dadka ku nool
meeraha
dhulka
. Sida
diinta
Islaamku
xustey markii
Alle
abuuray Aadam iyo Xaawo wuxuu ka dhigay
seey
iyo
oori
kuwaasi ku dhex nool
janada
. Wakhti yar ka dib, Sheydaan oo asagu ka xun sharafta iyo maamuuska Ilaahay siiyay Aadam iyo xaaskiisa ayaa wuxuu bilaabay inuu Xaawo shukaamiyo, isla markaana ka dhaadhiciyo in haddii eey cunto
midhaha
iyo
khudaarta
geedka
laga mamnuucay ay noqonayso qof aad u qurux badan oo waligeed noolaanaysa, marnaba aanan dhimanaynin, isla markaana yeelanaysa mid la mid ah
awood
weyn ee
Rabbi
(s.w.t).
Si kastaba ha ahaatee, Xaawo waxay qaadatay sheekadii beenta ahayd ee Ibliis taasi oo burinaysa ama lid ku ah oo ka soo horjeeda amarkii
Ilaahay
siiyay
qoyskan
ugubka ah oo ahayd ineey wax kasta cunaan laakiin aanay marnaba taabanin ama u dhowaanin
midhaha
geeka laga mamnuucay
. Waxayna odaygeedii Aadam ku kaliftey ineey labadooduba cunaan midhaha iyo khudaarta geedka laga mamnuucay. Isla markiiba waxaa isku muuqatay ceebtoodii, markaasaa waxay bilaabeen iney isku qariyaan
caleenta
iyo
laamaha
geedaha.
Wakhti yar gudaheed Alle wuxuu amar ku bixiyey in labadooduba ay ka baxaan
janada
ooy
nolol
cusub ka bilaabaan oogada
dhulka
.
[1]
[2]
Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay. Ilaahay Aadan buu abuuray oo wuxuu dejiyay beerta Ceeden “inuu falo oo dhawro.” Kaddib Ilaahay naag buu Aadan u abuuray oo magaceeda Xaawa buu ahaa. Ilaahay iyaga wuu amray oo wuxuu ku yiri: “Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka.” Way caddahay inuusan Ilaahay “si aan waxba tarayn u uumin [dhulka], laakiinse u uumay in la degganaado.”
[3]
. Aadan iyo Xaawa haddii aysan dembaabi lahayn weligood bay noolaan kareen. Ilaahay Aadan iyo Xaawa Jannadii wuu ka eryay. Si adag bay u hawshoodeen siday dhulka beerta Ceeden ka baxsan wax ay cunaan uga beertaan. Waqti kaddib Xaawa way uuraysatay oo waxay dhashay cunuggoodii ugu horreeyay Qaabiil. Aadan iyo Xaawa waxay dhaleen wiilal iyo gabdho kale oo ay ka mid ahaayeen Haabiil iyo Seed oo ahaa Nuux awowgiis.
[4]
- ↑
Qran.org: Quran Verses in Chronological Order
- ↑
Chronological Order of Quranic Surahs
Archived
Jannaayo 13, 2018 //
Wayback Machine
, by Kevin P. Edgecomb (2002).
- ↑
Muxuu Yahay Qasdiga Ilaahay oo ku Saabsan Adduunka?
- ↑
Jannadii Way Luntay