한국   대만   중국   일본 
Ooraasiya - Wikipedia Jump to content

Ooraasiya

Ka Wikipedia

Template:Infobox Continent

Ooraasiya iyo inta ku hareeraysan ee afrika iyo austrelia
Afro-Eurasian


Ooraasiya

Oaraasiya ( Af Carabi : ar ‎; Af Ingiriis : Eurasia ) waa cuf dhuleed cabirkiisu yahay 54,000,000 kilo mitir isku wareeg, waana isku darka labada qaarad ee kala ah yurub iyo aasiya , sida ereyga ooraasiya ka muuqataba,


Ooraasiya ayaa ku taal qaybta  woqooyi ee kubada dhul ka, galbeed ka fog waxaa ka xiga jasiiradaha ayrlaan iyo bad waynta atlaantiga, bari waxaa ka xiga marin biyoodka biirinji iyo qaar kamida jasiiradaha kaamsha iyo sakhaaliin iyo bad weynta barafka ah ee woqooyi , koonfur waxaa ka xiga jasiiradaha taymoor iyo badwayn ta hindiya , oo ka kooban badda cas iyo iyo gacanka carbeed .  waxaa ku nool qaarada ooraasiya qiyaas ahaa dad dhan 5,041,175,000 qiyaastii (2013), oo u kla qaybsan 93 wadan oo ku yaal qaarada ooraasiya, magaca dad ka dega ayaa ah ooraasiyaan , wadamada ugu caansan waxaa ka mid ah ingiriiska , faransiiska , turkiga , jarmalka , shiinaha , ruushka , hindiya , bakistaan , sucuudiga suuriya , ciraaq , iiraan , jabaan , indoniisiya, iyo bangaaladeesh . luuqad aha ugu badan ee looga hadlo waxaa ugu muhiimsan , mandariinka   (luuqada shiinaha), carabi ga,   urduuga , faaris ga,   ingiriiska faransiiska , iyo turkiga ,

in badanoo ka mida khubarada juqraafiga waxay ka soo qaadaan inay hal qaarad tahay, sida ameerika iyo afrika oo kale, maadaama labada qaarad aysan ku kala go'nayn wax badweyn  ama bad yar ah midna, giriig ii ayaa sadex qaarad u qaybiyay dhulka: afrika , aasiya , iyo yurub , taas ayaa wali lagu socdaa loona qaybiyaa qaaradaha, ameerika waagaas lama aqoonsan.