Gaaliyaam
Gaaliyaam
(
ingiriis
: Gallium) astaanta (
Ga
) waa
curiye
kimiko oo leh tiro
atom
sodon-iyo-kow ah.
Curiyahan oo ka mid ah guruubka 13aad waa
bir
daciif ah taas oo bir jilicsan, miisaan fudud, midabka
naxaasta
oo madoow xiga leh isla markaana ah adke kala jabi kara marka
heerkulku
hooseeyo.
Birta curiyahan Gaaliyaam oo laga helo
qolofka dhulka
ayaa mar kasta ka mid ah
macdan
ka sameeysan
isku dhisyo
kala duwan, sida iskudhiska gaaliyaam(III) oo ah macdan curiyaha
Sinki
ku jiro, iyo bauxite oo ku jirto curiyayaal badan.
Haddii
gacanta
lagu hayo
wakhti
fiican, curiyaha Gaaliyaam way dhalaali sababtoo ah barta dhalaalka curiyahan waa 29.76 °C (85.57 °F) oo kali ah.
Tani waxaaba ka sii dhalaalid og iskudhisyada gaaliyaam ka midka tahay, sida jaandiga
galinstan
(68.5%
gaaliyaam, 21.5% indiyaam, iyo 10%
tin
) taas oo leh bar-dhalaalid aad u hooseysa oo ah ?19 °C (?2 °F). Bar-dhalaalidani waa mid ka hooseysa barta biyuhu ku noqdaan adkaha ee 0 °C.
Iskudhisyada Gaaliyaamta waxaa loo isticmaalaa sheeyada Elektarooniga, sida mikrowayfka, infararedhka, iyo furayaasha korontada.
Kiimikooyinka sunta ah, sida cadmium sulfide iyo gallium arsenide, ayaa loo adeegsadaa soosaarka unugyada.
[1]