Dhig
(
Af Ingiriis
:
longitude
; ) oo wadarteedu tahay
Dhigo
waa nidaamka isku-xidhka
xaglaha siman
cabirka
juquraafiga
oogada dhulka
.
Xaglaha dhigaha waxaa lagu cabiraa
degree
.
Xariijimaha dhiguhu waxay ka yimaadaan
cidhifka waqooyi
ilaa
cidhifka koonfureed
, waxaana ka mid ah xariijinta
Prime Meridian
taas oo dhex marta
Royal Observatory, Greenwich
ee dalka
Ingiriiska
; midaas oo laga dhigay
Dhigta Eber degree
ee ay ka bilaabmaan dhiguhu. Sidoo kale dhigtan waa tan soonaha
saacada
aduunka saldhiga u ah.
Dhigaha meelaha kala duwan ee
dunida
waxaa lagu cabiraa
xagasha bari
iyo
xagasha galbeed
eey Prime Meridianka u jiraan, ayadoo la isticmaalayo in dhigta Prime Meridianku tahay 0° ilaa laga gaadhayo dhigta +180°
xaga bari
iyo dhigta ?180° ee
dhanka galbeed
.
Degree
Dhigaha iyo
loolasha
waxaa loo isticmaalaa in lagu calaamadeeyo bar ama meel
oogada dhulka
ka mid ah.
Tusaale ahaan, barta ay dhacdo magaalada
Muqdisho
waa Loolka 02°02′W (waqooyi) iyo dhigta 45°21′B (bari).