Bir la Mood
Bir la Mood
(
ingiriis
: Metaloid) waa
curiye
kimiko kuwaas oo leh calaamado iyo astaamo u dhexeeya
birta
iyo
bir ma aheha
, taas ooy aad u adag tahay in la kala saaro ineey bir tahay iyo ineey bir ma ahe tahay.
In kastoo barashada
Kimisteriga
ay ku jirto Bir la moodku, ma jiraan nimaad u gaar ah oo lagu qeexi karo curiyeyaashan.
Lixda curiye ee loo aqoonsadey bir la moodka waa:
Booron
(
B
),
Silikoon
(
Si
),
Jermaaniyaam
(
Ge
),
Aarsenik
(
As
),
Antimony
(
Sb
), iyo
Teluriyaam
(
Te
).
Sidoo kale waxaa jira tiro dhowr ah oo ayagana lagu daro liiska Bir la Moodka, waxaana ka mid ah:
Kaarboon
(
C
),
Alumiiniyaam
(
Al
),
Seleniyaam
(
Se
),
Boloniyaam
(
Po
) iyo
Astantiin
(
At
).
Sida caadiga ah, curiyeha Bir la Moodka ahi wuxuu leeyahay muuqaalka birta oo kale, laakiin waa
adke
si fudud loo kala jabin karo, halka birta aanan sahal lagu kala jabin karin. Waxaa intaas dheer, curiyaha bir la moodka waa mid
kulka
iyo
korontada
si daciif ah u gudbiya ama aanan gudbinin gebi ahaanba.
Si kastaba ha ahaatee, curiyeyaashan waxaa laga samayn karaa
isku dhisyo
tayo fiican oo
jaandi
ah, quruurado ama dhalooyin,
olol
difaace, iyo badh-gudbiye
dabka
iyo
korontada
.