- Kani waa maqaal ku saabsan Arktik. Qoraalo kale fiiri
Cidhifka Waqooyi
Meesha dhacdo Arktik
Maabka gobolka Arktik oo la midabeeyay
Muuqaal kale oo Arktik
Wadanada iyo deegaanada ku yaala iskuwareega Arktik
Arktik
(
Af Ingiriis
:
Arctic
;
Af Carabi
:
ar
;
loogu dhawaaqo
:
/
t
?
k
/
) waa
deegaanada cidhifka
ugu xiga dhinaca waqooyi ee
dhulka
. Gobolka Arktik waxay ka kooban tahay
Bada Arktik
, qeeybo ka mid ah
gobolka Alaska
(ee ka tirsan wadanka
Maraykanka
),
Kanada
,
Finland
,
Griinland
,
Denmark
,
Iseland
,
Norway
,
Ruushka
, iyo
Iswidhan
. Sidoo kale gobolka Arktik wuxuu ka samaysan yahay
bado
waawayn oo leh
cimilo
kala duwan; wakhtiyada qaar noqda
baraf
marar kale oo sanadka ah diirimaad ah, waxaana deegaanku caan ku yahay
dhir
yaraanta.
Gobolka Arktik waxaa lagu sharaxaa waqooyiga
Cidhifka Waqooyi
(66° 33'N), taasi oo hesha
iftiin
qorax
oo aad u kooban iyo habeeno ka dhaadheer deegaanada kale ee caalamka. Sidoo kale deegaanada Arktik waxaa lagu yaqaanaa qaboow daran sanadka oo dhan; wakhtiga ugu diiran (kulu) waa bisha Luuliyo wakhtigaasi oo
heerkulku
kaba hooseeyo 10 °C (50 °F).
[1]
[2]
Guud ahaan, deegaanda Arktik waa mid ka duwan dhamaan nidaamyada hab nololeed ee ka jirta caalamka intiisa kale. Tusaale ahaan, gobolku wuxuu leeyahay tiro dad ah (indigenous people) oo la qabsaday qaboowga xad dhaafka ah ee gobolka kaasi oo aanay ku noolaan karayn dadka kale. Intaas waxaa dheer in sanadahan dambe isbedelka cimiladu saamayn weyn ku yeeshay gobolka.
[3]
Nolosha deegaanadan waxaa ka mid ah
naasleyda badaha
,
kaluun
, noole laga helo gunta badaha iyo xubno yaryar oo kale.
[4]
Woqooyi pole
Cidhifka Waqooyi
(
Ingiriis
: North Pole) waa geeska ugu shisheeya ama ugu fog ee
waqooyi
ee
meere
. Dunida aan ku nool nahay ee
dhulka
waxay leedahay
labo
cidhif oo kala ah
Cidhifka Waqooyi
iyo
Cidhifka Koonfur
ee
dhulka
.
Cirifka waqooyi ee aduunka waxee ku taalaa waqooyiga
aduunka
, waa meesha oo aduunka ku dhamaado. Cirifka waqooyi iyo
Cirifka Koonfur
waa meelaha 6 bilood maalin ah, 6 bilood neh habeen ah.labadaan meelood waa meesha oo aduunka ka wareegto.
Muuqaalka badweynta Arktik iyo agagaarkeeda
Badweynta Arktik
(Arctic Ocean) sidoo kale loo yaqaano
Badweynta Waqooyi
waa
badweyn
dhacda waaxda waqooyi ee
Aduunka
taasi oo ku wareegsan gobolka
Arktik
iyo deegaanada
Cidhifka Waqooyi
. Sidoo kale badani waa tan ugu yar dhamaan
shanta badweyn
ee aduunka.
Maadama
juquraafi
ahaan badani dhacdo gobolka ugu xiga
Waqooyiga Dhulka
waxay caan ku tahay
biyo baraf
ah inta ugu badan wakhtiga sanadka.
[5]
Sidoo kale, marka la barbardhigo badweynta (sida Atlantik iyo Baasifik) xajmiga iyo baaxada Bada Waqooyi waa mid aad u yar oo lagu tirin karo badaha yaryar (sea), laakiin sidaas ay tahay Ururka Juquraafiga Biyaha Caalamka (International Hydrographic Organization "IHO") wuxuu u aqoonsaday
badweyn
.
[6]
[7]
Muuqalka aduunka marka cirka la joogo waxaa si fiican loo arki karaa badani oo in badan cadaan ah sababtoo ah waa baraf inta ugu badan sanadka.
Si kastaba ha ahaatee, Bada Waqooyi waxaa ku wareegsan
Waqooyiga qaarada Aasiya
(inta ugu badan wadanka
Ruushka
),
Yurub
iyo
Waqooyiga Ameerika
(wadanka
Kanada
iyo
Gobolka Alaska
ee
Maraykanka
). Tan iyo inta taariikhda lagu hayo biyaha Bada Arktik waxay ahaan jirtey
biyo baraf
ah, marka laga reebo
xiliga gu'ga
oo waxyar biyuhu diiri jireen. Sanadahan dambe waxaa isbedel weyn ku yimid
heerkulkii
lagu yaqaanay biyahan sababo la xidiidha
cimilada sii kululaanaysa
.
[8]
Guud ahaan Badweynta Arktik waxay leedahay
biyo
aad u badan oo saafi ah, si ka duwan biyaha badaha kale ee
dhanaanka
ah waxay bada ku jira biyo nadiif ah oo baraf ah.
Biyaha badaha oo fadhiista wakhtiga jiilaalka
|
Baraf weyn
|
Baraf dhalaalaya
|
Markab ku jira biyaha Arktik
|
Jaad ka mid ah
butida
ku nool deegaanka
|